General Mahamat Kaka, oo ah wiil uu dhalay madaxweynihii la dilay manta ee Chad Idriss Déby, oo loo magacaabay hoggaamiyaha waddanka.

April 20-2021

General Mahamat Kaka, oo ah wiil uu dhalay madaxweynihii muddada dheer maamulayay Chad Idriss Déby, ayaa loo magacaabay hoggaamiyaha waddanka, wakaaladda wararka ee AFP oo soo xiganaysa afhayeenka ciidanka.

Madaxweyne Idriss Deby oo da’diisu aheyd 68-sano jir oo xukunka ku yimid kacdoon dhacay 1990-kii ayaa maanta u geeriyooday dhaawac ka soo gaaray dagaal ay ciidamada Chad kula jiraan kooxo mucaarad ah.

Deby ayaa ka mid ah hoggaamiyayaasha ugu xukunka dheer qaaradda Afrika, iyadoo maalin ka hor dhimashadiisa la shaaciyey in markii lixaad loo doortay madaxweyne.

Office Nairobi Kenya