Dad Qaba Xanuunka Covid 19 oo gaaraya 20 qof Dalka Hidinya ugu dhintay oxygen la’aan

April 20-2021

Saraakiisha waddanka Hindiya ayaa waxa ay bilaabayaan baaritaan ku aaddan sababta keentay in kaydka oxygen-ka ee isbitaalka Maharashtra ee magaalada Nashik uu hawada ku qubmo, arrintaas oo u muuqata inay horseedday dhimashada in ka badan 20 qof oo laga dabiibayay fayraska korona.

Video u muuqanaya inuu muujinayo barkaddaas oo qiiq cad uu ka soo baxayo ayaa waxaa si isula wadaagayo warbaahinta.

Saraakiisha dowladda ayaa sheegay in oxygen-taas soo gaari waysay bukaannada aadka u xanuunsan ee ku jiray istibaalkaas gaarka u ah dadka qaba cudurka Covid, laga yaabo inay sababtay dadka halkaas ku dhintay.

Office Nairobi Kenya