Qax ka bilaawday goor dhawayd Demooyinka dhaca Waqooyiga Muqdisho

 

April 25-2021

Wararka ka imaana Waqooyiga Muqdisho ayaa sheegaya in halkaas uu ka bilaawday barakac ku aadan, Dagaaladii goor dhawayd ka qarxay halkaas.

Wararka ayaa sheegaya in dadka deegaanka ay naftooda kala cararayaan dagaalada ka soo cusboonaaday Muqdisho oo u dhaxeeya Ciidamo ka soo hor jeeda Mudo kororsiga  Dowlada waqtigeeda dhamaaday iyo kuwa taageersan.

Degmooyina, Sanco, shibis shangaani kaaraan ayaa intooda badan laga qaxayaa sida au sheegayaan dadka deegaanka, dadka ayaa Naftooda kala cararaya Dirirtaas.

Sidoo kale Qaxan ayaa imaanaya xili  Ciidamada ka soo hor jeeda mudo kororsiga  ay la wareegeen isgosyka Sanco ayna ku sii jeedaan goobo kale oo muhiim ah sida isgoyska Siinaay oo laga galo Madaxtooyada ilaa isgoyska Xararyaale oo ku Beegan Villa Somaliya.

.

Office Nairobi Kenya