Aqalka Cad Dalka Mareykanka oo sheegay in dalka Hindiya loo dirayo sahay qiimaheedu dhan yahay 100-milyan

April 30-2021

Aqalka Cad ee Dalka Mareykanka ayaa sheegay in dalka Hindiya loo dirayo sahay qiimaheedu dhan yahay 100-milyan ,si ay qeyb uga noqoto la-tacaalidda dalkaasi uu ugu jiro kororka kiisaska COVIDb 19.

Duulimaadyada tagaya dalka Hindiya ee wada Sahayda ayaa lagu wadaa in ay  bilowdaan,iyadoo howsha daabulka ay socon doonto illaa todobaadka soo socda.

Sahayda gargaarka ee la dirayo waxaa ka mid ah 1,000 haaman oo oksijiin ah, 15 milyan oo afgashi iyo hal milyan oo ah qalabka lagu ogaado baaritaanka degdegga  ah.

Mareykanka wuxuu go’aansaday inuu Hindiya caawiyo Ka dib markii Hindiya ay horay gargaar ugu dirtay Mareykanka xilligii uu la halgamaayey xalka cudurka Covid 19.

Office Nairobi Kenya