Ruushka oo saraakil ka tirsan Midowga Yurub ka mamnuucay Dalkiisa in ay soo galaan

May 1-2021

Dowladda Ruushka ayaa sideed sarkaal oo reer Yurub ah ka mamnuucday in ay dalkeeda soo galaan iyadda oo kaga falcelineysa cunaqabateyn uu Midowga Yurub saaray.

Wararka ayaa sheegaya in  shakhsiyaad ka mid ah muwaadiniinteeda, ay Moscow  sheegtay in saraakiisha ay dalkeeda ka mamnuucday ay ku jiraan Vera Jourova oo ah madaxweyne ku-xigeenka xagga qiyamka iyo hufnaanta guddida fulinta Yurub.

 Madaxweynaha Baarlamanka Yurub iyo xubin Faransiiska u fadhiya Baarlamanka Yurub ayaa ka mid ah Xubnaha laga Mamnuucay in ay soo galaan Dalkaasi Ruushka.

Office Nairobi Kenya