Gudoomiyaha Gobolka Mudug iyo Wafdi uu hogaaminaayo oo gaaray deegaanka Wisil ee koonfurta gobolka Mudug.

May 2-2021

Wararka ka imaanaya Magaalada Galkacyo ayaa sheegaya in Gudoomiyaha Gobolka Mudug Cabdiraxmaan Cali Diiriye iyo Wafdi uu hogaaminaayo ay gaareen  deegaanka Wisil ee koonfurta gobolka Mudug.

Guddoomiyaha ayaa waxaa Wisil kusoo dhaweeyay maamulka magaalada iyo saraakiisha ciidanka daraawiishta Galmudug ee ku sugan deegaanka Wisil.

Guddoomiyaha ayaa maanta kulan looga hadlaayo amniga deegaanada koonfurta Gobolka Mudug ayaa deegaanka Wisil kula qaadanaya Guddoomiyaasha Deegaanadaas.

Waxaa sidoo kale Guddoomiyuhu kormeeri doonaa fariisimaha ciidanka Daraawiishta Galmudug ee ku sugan Duleedka wisil.

Office Nairobi Kenya