Al-shabaab oo Weerar ku qaaday degmada Raaga-ceelle iyo Nabadoon caan ka ahaa halkaas ay ka wateen.

May 2-2021

Wararka ka imaanaya degmada Raaga-ceelle ee gobalka Shabeelada dhexe ayaa sheegaya in saakay arroortii  hore Al-shabaab ay weerar ku qaaday halkaas.

Warar hor dhac ah ayaa sheegaya in Alshabaab ay ka kexeesteen Degaankaas  nabadoonkii degmada oo lagu magacaabo  Axmed Jilcane, iyagoo sidoo kale gubay laba gaari uu lahaa Nabadoonka ay wateen.

Sidoo kale Raaga-ceelle oo kamid ah Shabeelada Dhaxe iyo degmooyin kale oo isla gobolka ah waxaa maalmo kahor ka soo baxay ciidamadii Milataryga ahaa ee ku sugnaa iyagoo kamid ah ciidamada kasoo horjeeda muddo kordhintii Farmaajo uu samaystay balse shalay uu ka laabtay.

Office Nairobi Kenya