Wasiirada Ganacsiga Burundi, oo shaqada laga ceyriyay sababo la xiriira in dhaqaalaha dalka ay gelisay khatar

May 3-2021

Wasiirka Ganacsiga, Gaadiidka, Warshadaha iyo Dalxiiska ee Burundi, Immaculée Ndabaneze ayaa shaqada laga ceyriyay “sababo la xiriira in dhaqaalaha dalka ay gelisay khatar isla markaana sumcad xumo u soo jiday dalka.

Muddo kooban ayaa la xiray, sualana la weydiyay kadibna waa lasoo siidayay iyadoo baaritaano dherad ahna ay socdaan.

Mrs Ndabanze ayaa waxay wajahaysa eedo Musuq eek u saabsan iibka diyaarad ay lahayd shirkadda diyaaradaha ee Air Burundi.

Diyaaradan muranka badan ka taaganyahay aya ala sheegay in la iibiyay intii u dhexeysay bishi disembar ee sanadkii 2020-ka iyo bishi janaayo ee sanadkan 2021-ka,waxaana lacag aad u yar diyaarada looga iibiyay maal qabeen u dhashay Koonfur Afrika.

Ilaa iyo hadda Mrs Ndabaneze kama aysan hadal eedaha loo jeediyay

Office Nairobi  Kenya