Rooble oo Cabdiwahaab Ugaas u magacaabay Wasiirka wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada

May 4, 2021

Wareegto ka soo  baxday Xafiiska Ra’iisal wasaaraha xukuumadda xil-gaarsiinta, Maxamed Xuseen Rooble ayaa lagu sheegay in  Cabdiwahaab Ugaas Xuseen Ugaas Khaliif  loo magacaabay Wasiirka wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada.

Wasiirka cusub, ayaa waxa uu hore usoo noqday Wasiirkii wasaaradda ganacsiga iyo warshadaha, sidoo kalena waxa uu noqday Ra’iisul-wasaare kuxigeen xilligii xukuumaddii Badbaado Qaran.

Sidoo kale Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ayaa haawaneysa tan iyo markii uu Wasiirkii hore ee Gaadiidka iyo Duulista Hawada loo soo badalay uu ku gacan seyray booskaas, kadib markii ay arrin hor leh isku khilaafeen Oomaar iyo madaxweynaha waqtigiisa dhamaaday.

Office Nairobi Kenya