Qandaraaslayaal Qasaare dhimasho ka soo gaartay Qarax ka dhacay Xadka Kenya iyo Somaliya

May 5-2021

Wararka ka imaanaya saakay xadka ay wadaagaan wadamada Soomaaliya iyo Kenya ayaa sheegaya in halkaas uu ka dhacay Qarax  la sheegay in ay qasaare ka soo gaartay dad halkaas Marayay.

Warar hordhac ah ayaa sheegaya in Qaraxaan uu ahaa Miinada dhulka Nuuca lagu aaso, waxaana lala eegtay qandaraasleyaal dhisayey darbiga ay Kenya ka sameyneyso xuduuda ay wadaagaan dalalka dariska ah ee Soomaaliya iyo Kenya.

Ku dhawaad 5 qof  ayaa ku dhimatay Qaraxaas waxaana ku dhaawacmay dad intaas ka badan sida ay dadka degaanka u sheegeen saxaafada.

Sidoo kale Saraakiil ka tirsan ciidamada Kenya oo ka hadlay qaraxaasi ayaa ku eedeeyey inay ka dambeysay kooxda Al-Shabaab oo weeraro culus ka fulisa gudaha dalkaasi.

Office Nairobi Kenya