Somaliland oo Go’aano kasoo saartay Amniga Gobolka Sool

Guddiga Nabadgelyada Gobolka Sool ee Soomaaliland oo shir ku yeeshay Magaalada laas-caanood ayaa soo saaray sideed qodob oo lagu adkaynayo Nabedgalyada Gobolkaas.

Qodobada ayaa waxaa ugu muhiimsan in la mamnuucay qaadashada hubka sharci darrada ah iyo qodobo kale oo muhiim u ah Amniga Gobolka Sool.

Hoos Ka Akhriso Go’aanada kasoo baxay Guddiga Nabadgelyada Gobolka Sool ee Soomaaliland.

1- Qabashada Hubka

2- Gadiidka aan Taarikada lahayn

3- Adkaynta Nabadgelyada Wakhtiga kala guurka

4-Qoriga la qabto in lahaynayo Saddex bilood oo u dhiganta 90 cisho

5- Qofkii aan Ciidan ahayn ee lagu qabto Tuute isagoo xiran sharciga in la horgaynayo.

6- in aan hub lagu qaadan karin magaalada dhexdeeda qofkii lagu qabtananuu yahay dambiile sharcigaana la horgaynayo.

7-Baabuurta wareegta Saacadaha dambe habeenkii ee la garan waayo shaqada ay hayaan in la qabanayo.

8-Baabuurta Bersoll (Bacda lagu dhajiyo Muraayada) leh waa laga goynayaa.

Xafiiska wararka Qaranimo Online | Muqdisho ___________________________________________________