Wiil ku nool xeryaha qaxootiga Dhadhaab oo kaalin fiican ka keenay imtixaankii dugsiyada sare ee Kenya

may 15 2021

Cabdiqaadir Salaat Maxamed wuxuu buunddo wanaagsan ka keenay natiijada imtixaanka dugsiyada sare ee Kenya, wuxuu wax ku bartay xeryaha qaxootiga ee Dhadhaab.

Cabdiqaadir Salaat oo 21 jir ayaa helay natiijada A- oo ka dhigan boqolkiiba 79 cel celis ahaan.

Wuxuu sheegay in qoyskiisa ay sanado ka hor ku laabteen Soomaaliya.

“Waxaan aad u jeclaa oo aan aad ugu wanaagsanaa maaddada Chemistry-ga oo ilaa hadda aan jeclahay oo aan doonayo in aan macalin ka noqdo” ayuu yiri Cabdiqaadir.

Natiijooyinkii imtixaanka dugsiyada sare ee Kenya ayaa la shaaciyey Isniintii sida ay sheegeen saraakiisha waxbarashada waxaa ka muuqatay horumar fiican oo ardadada gobolka ay gaareen.

Office Nairobi Kenya .