Muqdisho oo la ciir ciiraysa rag isku soo xiray waxyaabaha qarxa iyo Cabsi xoogan oo jirta..

May 16 2021

Waxaa magaalada Muqdisho ka taagan saacadihii la soo dhaafay cabsi xoogan oo ku aadan rag isku soo xiray waxyaabaha qarxa  oo Muqdisho soo buux dhaafiyay maalmihii la soo dhaafay.

Wararka ayaa sheegaya in hay’adaha ammaanka Soomaaliya iyo kuwa ajanabiga ah ee daggan Xarunta Xalane ay ka dardaar Wariyeen in ay heeleen xog ku aadan in rag isku soo xiray waxyaabaha qarxa ay soo gaaren magaalada Muqdisho maalmihii la soo dhaafay.

Sidoo kale xogta ayaa tilmaameysa in bartilmaameedku yahay Saldhigyada ciidamada wasaaradaha, hoteello iyo maqaayada. Sidoo kale waxaa la sheegay in kooxdaan ay weerari karaan goobaha lagu badan yahay. 

Office Nairobi Kenya