Somaliland oo deegaanadeda ka bilowday howlgal lagu buufinayo Ayaxa

May 16 2021

Wararka ka imaanaya maamulka Somaliland ayaa sheegaya in mar kale ka bilaawday la dagaalanka Ayaxa kadib markii uu  ku soo batay Deegaano ka mid ah maamulkaSomaliland.

Wasiir Axmed Muumin oo la hadlay warbaahinta ayaa u sheegay in howlgalka lagu buufinayo Ayaxa laga bilaabay degaanada xeebaha ah ee Gobolka Awdal  ee Somaliland, ayna u adeegsanayaan hal diyaarad iyo gaadiidka u diyaarsan buufinta Ayaxaas.

Wasiirka ayaa sheegay in Ayaxaan uu yahay mid awood badan oo dhibaato ku haaya deegaanada Somaliland, isla markaana uu ku habsaday dhulka xeebta ah, balse ay sameeyn doonaan wax kasta oo ay kula dagaalamayaan.

Sidoo kale Wasiir Axmed Muumin ayaa tilmaamay in Ayaxa uu deegaanadooda kasoo galay dhinaca dalka Itoobiya, uuna faraba’an ku haayo deegaanada xeebta ee Gobolka Awdal, ayna wadaan howlgalka lagu buufinayo Ayaxa.

Office Nairobi Kenya