Bananbaxyo ka bilaawday Muqdisho oo looga soo hor jeedo dhalinyaradii loo qaaday Ereteriya

May 16 2021

Waxaa goor dhawayd magaalada Muqdisho gaar ahaan Daljirka Daahsoon  ee Magaalada Muqdisho mar kaliya ka bilaawday dibad-bax ka dhan ah dowladda oo ay dhigeen boqolaal shacab oo careysan.

Banaanbaxayaasha ayaa ka cabanaya dhalinyaro Soomaaliyeed oo Dowlada Waqtigeeda dhamaaday u qaaday Ereteriya  si loo soo askareeyo  Sanad ka hor oo aan lagu haynin Nolol iyo Geeri.

Dadka dhigayey dibad-baxa oo la hadlay wariyeyaasha ayaa ku qeylinayey arayo ka dhan ah madaxda dowladda federaalka, iyaga oo shaaciyey in caruurta ay la’yihiin nolol & geeri.

Sidoo kale waxay ugu baaqeen madaxweynaha uu waqtigiisa dhammaaday inuu soo fara-geliyo arrintan, si dalkooda dib loogu soo celiyo caruurtaasi. about:blank

Office Nairobi Kenya