Benjamin Netanyahu oo ku Hanjabay in ay sii Wado doonaan duqaynta iyo Dagaalka ay kula jiraan xamaas

May 18 2021

Ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa ku hanjabay in ay sii xoojin doonaan duqaymaha ka dhanka ah dadka reer Falastiin si loo xaqiijiyo nabadda iyo xasiloonida Israa’iil.

Ra’iisul wasaare Netanyahu ayaa hadalkaas jeediyay kadib markii uu ka soo baxay kulan uu la qaatay saraakiisha kala duwan ee laamaha difaaca Israa’iil.

Wuxu sheegay in duqaymaha ay sii socon doonaan inta la sugayo amniga shacabka Israa’iil oo sida uu tilmaamay weeraro kala kulmaya dhinaca Xammaas.

Labada dhinac ayaa weli is waydaarsanaya duqaymo culus waxaana Israa’iil bartil-maameedyo ka dhigatay dhulka ay degan yihiin dadka Rayidka ah ee reer Falastiin.

Office Nairobi Kenya