Wasaaradda waxbarashada Soomaaliya oo Imtixaanka dugsiga sare ka bilowday qeybo ka mid ah Soomaaliya

May 29 2021

Magaalada Muqdisho iyo qaar ka mid ah gobollada kale ee dalka waxaa saakay ka bilowday imtixaanka dugsiga sare.

Warbaahinta dowladda ayaa laga soo xigtay in wasaaradda waxbarashada Soomaaliya ay sheegtay in arday ka badan 40,000 ay maanta u fadhiisanayaan imtixaanka.

Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda ayaa kormeeraya goobaha imtixaanka lagu qaadayo.

Sidoo kale Meelaha uusan ka bilaaban imtixaanka waxaa ka mid ah Puntland.

Office Nairobi Kenya