Ciidamada Haramcad oo saakay dad shacab ah ku dilay Jowhar iyo banaanbaxyo ka socda halkaas

May 31 2021

Waxaa goor dhawayd magaalada Jowhar ee Xarunta  gobolka Shabeelaha Dhexe ka dhacay Fal dil ah oo la sheegay in ay gaysteen Ciidamada haramcad ee jooga magaalada Jowhar.

Wararka ayaa sheegaya in qof shacab ah lagu dilay guri ku yaalla xaafadda Kulmis oo ka mid ah xaafadaha magaalada Jowhar ee Caasimada HirShabelle.

Lama oga sababta rasmiga ah ee ka dambeysa dilka iyo dhaawaca loo geystay dadkaasi shacabka ah, waxaana ka dhashay caro dadweyne, sida ay wararku sheegayaan.

Sidoo kale Qaar ka mid ah dadka deegaanka ayaa lagu soo warramayaa inay dibad-bax cabasho ah oo looga soo horjeedo falkaasi ay ka dhigeen waddooyinka waa weyn ee magaalada Jowhar.

Office Nairobi Kenya