Galmudug oo kala dirtay guddi qaabilsanaa dhismaha golayaasha degaanka

June 1/2021

Dowlad goboleedka Galmudug ayaa kala diray guddi qaabilsanaa dhismaha golayaasha degaanka maamulkaas kadib markii khilaaf kala dhexgalay guddiga.

Wareegto ka soo baxday wasiir ku xigeenka arrimaha gudaha Galmudug ahna ku-simaha wasiirka ayaa lagu kala diray guddiga farsamada dhismaha golayaasha degaanka degmooyin ka tirsan Galmudug.

Kala dirista guddiga ayaa loo cuskaday kadib markii uu dhammaan waayay khilaafka dhex-dooda ah kaas oo ku salaysan hannaanka loo marayo dhismaha golayaasha degaanka.

Office Nairobi Kenya