Nabad Sugidda Jubbaland oo gacanta ku dhigay miinooyin Alshabaab ku aaseen Kismaayo

.

June 2 2021

Wararka ka imaanaya magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in Ciidanka Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Jubbaland ay gacanta ku dhigay miinooyin lagu aasay gudaha magaalada Kismaayo.

Hay’adda Nabad Sugidda Jubaland ayaa sheegtay in miinooyinkan laga soo saaray xaafadda Farjanno ee magaalada Kismaayo gaar ahaanna waaxda Kuuba.

Sidoo kale Saraakiisha Jubaland waxay Al-shabaab ku eedaysay in ay qaraxyadan maleegayeen si weeraro looga fuliyo gudaha Kismaayo.

Office Nairobi Kenya