Xildhibaan Qaasim oo ka soo baxay xisbiga Waddani oo ka soo jeeda Beesha H/gidir oo ku guuleystay kursiga

June 3 2021

Warar hordhac ah oo ka soo baxaya  tirinta codadka doorashooyinkii isku-sidkanaa ee ka qabsoomay gobolada iyo deegaanada Somaliland,  ayaa  waxaa qaar ka mid ah Goboladaas ku soo baxay Beelo aan ku soo bixi jirin kursigaas.

Natiijada hordhaca ah ee laga helayo gobolka Sool ayaa sheegaya in Musharax Qaasim Aadan Saleebaan Cali uu ku guuleystay inuu kamid noqdo mudaneyaasha golaha Wakiilada ee baarlamaanka Somaliland.

Sidoo kale Xildhibaan Qaasim Saleebaan oo kasoo baxay xisbiga Waddani ayaa kasoo jeeda  Reer ahaan Beesha  Fiqi Shini, beesha gaar ahaan Ayaale Ceyr ee Habargidir oo Deegaan ahaan halkaas dagtay Qarni ka hor.

Sida ay muujineyso natiijada hordhaca ah ee uu Qaasim ka helay gobolka Sool codadka uu kusoo baxay ayaa dhan 1922 cod.

Office Nairobi Kenya