Ciidamada Itobiya oo Xalay Madaafiic ku garaacay Saldhig ay Al-Shabaab ku leeyihiin koofurta a Baydhabo

June 10 2021

Wararka ka imanaya K/galbeed ayaa sheegaya in Ciidamada Itoobiya aya xalay tiro madaafiic ah ku garaacay Saldhig ay Al-Shabaab ku leeyihiin  koofurta magaalada Baydhabo ee gobolka Baay.

Madaafiic ayaa waxaa ay ku dhaceen deegaanka Gooyaale ee Koofur kaga beegan magaalada Baydhabo, xili halkaasi ay ku sugnaayeen dagaalameyaal badan oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab.

Ilaa iyo hada lama oga khasaaraha rasmi ah ee gaaray  Al-Shabaabka lagu weeraray koofurta magaalada Baydhabo.

Sidoo kale ma jiraan weli wax war ah oo ka soo baxay ciidamada Itoobiya eek u sugan magaalada Baydhabo ee gobolka Baay.

Office Nairobi Kenya