June 12 2021
Maamulka gobolka Alberta ee dalka Canada ayaa lagu wadaa inuu hirgeliyo qorshe lagu maalgelinayo la dagalalanka nacaybka diimaha.
Arrintan ayaa looga gol leeyahay in lagu sugo ammaanka kooxaha diimaha iyo dhaqanka si ay uga nabad galaan dembiyada nacaybka ku saleysan.
Dhowaan ayay ahayd markii dalkaasi uu nin gaari ku jiirsiyay xubno hal qoys ka wada tirsanaa oo Muslimiin ahaa.
Haddaba Sharif Maxamed Haji oo ah agaasimaha Golaha horumarinya dadka afrikaanka ah ee dhalashada dalkaasi heysta kuna sugan Alberta ayaan ka wareystay sida uu qorshahan wax uga qaban karo nacaybka diimaha la xiriira.
Office Nairobi Kenya
