Mas’uuliyiinta kubadda cagta Somaaliya oo shaqada ka eryay tababarihii kubadda cagta Soomaliya

June 15 2021

Mas’uuliyiinta kubadda cagta ee Somaaliya ayaa shaqada ka eryay tabaabaraha kubadda cagta ee Soomaliya Salif Abdulladiif oo dhawaan heshiis u saxiixay xiriirka kubadda cagta ee Soomaaliya si uu u leeliyo xulka qaranka Soomaaliya.

Tababarahan u dhashay dalka Morocco ayaa maalmihii u dambeeyay wajahayay cadaadis uga imanayay maamulka xiriirka kubadda cagta ee Soomaaliya.

Ilaa iyo hadda lama oga sababta shaqada looga joojiyay tababaraha.

Xulka Soomaaliya oo haattan ku sugan dalka Djibouti ayaa u diyaar garoobaya tartanka FIFA Arab Cup ee lagu qaban doono dalka Qadar iyagoo 20-ka bishan June la cayaari doona dalka Cumaan, waxaana xulka Soomaaliya u safan doona cayaartooy u badan gurba-joog.

Office Nairobi Kenya