Somaliland iyo Taiwan oo kala saxiixday heshiis cusub oo ku aadan dhanka caafimaadka

June 17 2021

Somaliland iyo dhiggeeda Taiwan ayaa kala saxiixday heshiis cusub oo ku aadan dhanka caafimaadka, si hore loogu wado xiriirka labada dhinac.

Heshiiskan cusub ayaa dhigaya in Taiwan ay howl-wadeeno caafimaad usoo direyso Somaliland, kuwaas oo tababar siinayo shaqaalaha caafimaadka ee Hargeysa.

Warsaxaafadeed kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Taiwan ayaa lagu faah faahiyey heshiiskan oo Arbacadii ka dhacay Taipei.

Sidoo kale Qoraalkan ayaa sidoo kale lagu sheegay in muhiimada heshiiskani ay tahay, sidii kor loogu qaadi lahaa daryeel caafimaadka.

Office Nairobi Kenya