Sarkaal ka tirsanaa Gorgor oo xalay lagu dilay degmada Wadajir

 June 21 2021 

Wararka ka imaanaya degmada Wadajir ayaa sheegaya in xalay halkaas lagu dilay Sarkaal ka tirsanaa Ciidamada Gor gore e sida gaar ka ah u tababaran.

Wararka ayaa sheegaya in Sarkaalkan  lagu magacaabi jiray, Maxamed Cali Yarami, waxaana la sheegay in ay kooxo hubeysan ku dileen Sarkaalkan halkaas.

Marxuumka ayaa waxaa la sheegay in xilliga la dilayey uu kusii jeeday hoygiisa oo ku yaalla xaafad ka tirsan degmada Wadajir ee gobolka Banaadir.

Sidoo kale Dilka kadib ayaa waxaa goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ee dowladda Soomaaliya, kuwaas oo meydka ka qaaday halkaasi.

Office Nairobi Kenya