Isniin June 21
Ra’iisal wasaaraha Itoobiya, Abiy Ahmed, ayaa ku beeray geed Caasimadda Addis Ababa, iyadoo malaayiin dad gaaraya oo ku kala sugan daafaha dunida ay doorashadani codkooda ka dhiibanayaan.
Abiy ayaa wadey waa yadan mashruuc lagu beerayo geedo kala duwan oo tiro badan, isagoo tagey goob uu ka socdo dhismo dhabo weyn, iyo warshad lagu sameeyo rootiga.
Abiy ayaa kula wadaagay sawiro barta bulshada twitter-ka dadka Itoobiya saaka aroortii hore, iyadoo sawiradani ay kamid ahaayeen isagoo beeraya geed.
Ra’iisal wasaaraha ayaa hadalkiisa intaa raaciyey in dhammaan muwaadiniinta Itoobiya ay u dareereen saaka doorashada, oo ay codka ku xulan doonaan xubnaha ay doonayaan.
Doorashada Itoobiya ayaa marar kala duwan dib u dhacdey, iyadoo haatan qabsoomeysa, waxaase wali aan qeyb ka aheyn saddex maamul.
Office Nairobi Kenya
