dowladda soomaaliya oo xareynaysa maanta guddiga doorashooyinka heer federaaal heer dowlad goboleed

.

Khamiis: June 24 2021

Waxaa lagu wadaa in  Maanta oo Khamiis ah in  qorshu yahay in dowladda federaalka soomaaliya ay xareyso guddiga doorashooyinka heer federaaal, heer dowlad goboleed iyo guddiga xalinta khilaafaadka.

Guddigan ayaa ka kala socda maamul goboleedyada dalka ka jira iyo dowlada federaalka, waxaana maanta u furmaya tababar socon doono muddo afar maalmood, kaasi oo ku eg 27 bishan.

Guddigan ayaa shaqadooda ah diyaarinta soo xulista odayaasha soo dooran doono xildhibaanadda soo socda iyo xalinta Khilaafkii soo kordha inta lagu guda jiro howsha loo xilsaaray.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha xukumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa shir ku casuumay madaxda Golaha Wadatashiga Qaranka, kaasi oo ka dhici doono magaalada Muqdisho.

Office Nairobi Kenya