Algeria oo xukuumad cusub looga dhawaaqo kadib Doorashadii ka dhacday dalkaas

Axad: June 27 2021

Madaxweynaha dalka Algeria Cabdimajiid Tabuun ayaa soo gabagabeyay latashiyo uu lasameeyay axsaabta siyaada dalkaasi gaar ahaan kuwa ugu badan ee kuraasta kahelay Baarlamaanka doorashadii dhowaan ka dhacday dalkaasi.


Raiisul wasaarihii dalkaasi ayaa Khamiistii gudbiyay iscasilaadiisa waxaana uu sheegay inuu sii wadi doono shaqada ilaa mid cusub laga helaayo.


Maanta oo Axad ah ayaa la filayaa in lagu dhawaaqo xukuumada inkastoo axsaabta ay wali isku haystaan jagooyinka sare ee Golaha wasiirada sida loo kala qaadan lahaa.

Office Nairobi Kenya