Khamiis: luliyo 1 2021
Madaxweynaha dowladda goboleedka Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni iyo wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo ayaa maanta waxaa si weyn loogu soo dhaweeyay magaalada Kismaayo ee xarunta maamulka Jubbaland.
Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa waxaa loo sii galbiyey madaxtooyada maamulka, ayada oo kulamo la qaatay madaxda sarre ee maamulka Jubbaland.
Sida ay wararka qaarkood sheegayaan Saciid Deni oo maalmihii dambe arrimaha doorashooyinka u joogay magaalada Muqdisho ayaa waxa uu Kismaayo u aaday si uu u dar-dar geliyo loolan adag oo ugu jiro madaxtinimada dalka.
Sidoo kale Madaxweynaha Puntland ayaa waxaa lasoo warinaya inuu ku jiro damac xilka madaxweynaha Soomaaliya ah oo uu doonayo inuu qeyb ka noqondo musharaxiinta u taagan madaxtinimada Soomaaliya.
Office Nairobi Kenya
