Muxuu qaban doonaa guddiga Horumarinta af Soomaaliga ee Muqdisho looga dhawaaqay?

Isniin: july 5, 2021

Wasaaradda waxbarashada iyo tacliinta sare ee Soomaaliya ayaa magacawday Guddiga kumeel gaarka ah ee Horumarinta Af-Soomaaliga.

Guddidan ayay shaqadiisu noqon doontaa sidii ay u qabyo tiri lahaayeen meelaha u baahan kaabidda ee Afka-Soomaaliga, waana markii u horraysay tan iyo burburkii dowladdii dhexe ee Soomaaliya ee 1991-kii guddi noocan oo kale ah ay dawladdu magacaawdo.

Arrimaha guddigani ayaan ka wareysannayCabdulqaadir Nuur Xuseen Maax, oo ah guddoomiyaha akaademiyadda cilmiga, fanka iyo suugaanta ee Soomaaliya, isla markaana ah guddoomiyaha guddidan ku meelgaarka ah ee Hormarinta Af-soomaaliga, waxa uu u warramay Cabdifataax Ibraahim Cagayareoo ugu horreyn weydiinnay waxa uu guddigan qaban doono?

Office Nairobi Kenya