Siyaasiga C/nuur Darmaan oo shirar kula leh Magaalada Nairobi Xubno ka tirsan Beesha caalamka

.

Khamiis: July 8, 2021

Waxaa magaalada Nairobi maalmihii la soo dhaafay ku sugnaa siyaasiga C/nuur axmed Darmaan iyo Xubno la socda, waxaana  uu shirar kala duwan la yeelanayay Xubno ka socda Beesha caalamka ee jooga Magaalada Nairobi.

Darmaan oo ah Musharax sida ay sheegayaan Wararka ayaa waxaa kulamada ku wehliya siyaasiyiin ka soo jeeda Galmudug oo la socday Markii uu soo gaaray magaalada Nairobi.

Xubnaha safaarada caalamka ee daneeya arimaha Soomaaliya ayaa la sheegay in darmaan uu la kulmay, asaga oo kala hadlay xaalada Soomaaliya iyo sidii ay u dhici lahayd Doorasho Xalaal ah.

Sidoo kale C/nuur Axmed Darmaan ayaa la sheegay in uu yahay Musharax u taagan Xilka Madaxweynanimo ee Soomaaliya, 2021 oo lagu wado in ay ka dhacdo Soomaaliya Oktobar soo soo socota.

Abdihakim Elmi hassan

Office Nairobi Kenya