Talaado: July 13, 2021
Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay maanta shir guddoomiyay kulanka guddiga amniga doorashooyinka ee lagu dhisay shirkii isaga iyo madaxda dawlad goboleedyada ku dhexmaray Muqdisho bishii May ee sanadkan.
Guddiga oo ay xubno ka yihiin taliyayaasha booliska ee heer federaal, heer maamul goboleed iyo gobolka Banaadir iyo taliyaha booliska AMISOM ayaa ka lagu gorfeeyay sidii loo bilaabi lahaa qorshaha amniga goobaha ay doorashooyinku ka dhacayayaan dhamaadka bishan iyo bilowga bisha soo socota.
Taliyaha booliska dawladda federaalka Janaraal Cabdi Maxamad Xijaar oo hadlay markii uu soo dhamaaday shirka guddiga amniga doorashooyinka ayaa sheegay in la isla meel dhigay sidii doorashadu ugu qabsoomi lahayd si amni ah.
Office Nairobi Kenya
