Ciidamada Milatariga iyo kuwa Galmudug oo goor dhawayd la wareegay degaanka Camaara

Axad: july 18, 2021

Ciidamada Milatariga dowladda Federaalka Soomaaliya, oo kaashanaya Daraawiishta Galmudug, ayaa maanta si buuxda ula wareegay degaanka Camaara ee Koonfurta Gobolka Mudug.

Ciidamada dowladda iyo kuwa Galmudug, ayaa weerar xooggan ku qaaday degaanka, waxaana halkaas ka dhacay dagaal culus oo dhexmaray ciidamada dowladda iyo ururka Al-shabaab.

Khasaare kala duwan ayaa ka dhashay dagaalkaas, inkastoo aan weli si rasmiya loo xaqiijin khasaaraha dhabta ah ee kala gaaray dhinacyada dagaallamay.

Dagaallamayaasha Al-shabaab oo laga qabsaday degaanka , ayaa u jihaystay dhinaca degmada Xarardheere oo ku taalla koonfurta Gobolka Mudug, islamarkaana saaran xeebta badweynya Hindiya.

Office Nairobi Kenya