Laamaha Amniga Puntland oo xalay hawlgal qorshaysan ka fuliyay degmada Badhan

Isniin: july 19, 2021

Laamaha Amniga Puntland, oo xalay hawlgal qorshaysan ka fuliyay degmada Badhan ee Gobolka Sanaag, ayaa gacanta ku dhigay maandooriyaha Khamriga oo lagu qariyay guri ku yaalla magaalada.

Taliska Qaybta Booliiska Gobolka Sanaag, ayaa laga soo xigtay in hawlgalkaas lagu qabtay 23 dhalo oo Khamri ah, kuwaas oo lagu qariyay gudaha guri ku yaalla Badhan

Ciidanka Booliiska Puntland ayaa saacadihii u dambeeyay hawlgalo kala duwan ka waday degmooyin ka tirsan Gobolka Sanaag gaar ahaanna magaalada Badhan.

Office Nairobi Kenya