Kenya William Ruto oo Muslimiinta Kenya uggu deeqay xoolo

Isniin: july 19, 2021

 Madaxweyne ku xigeenka dalka Kenya, ayaa ku wareejiyey Muslimiinta dalkiisa ari tiro badan, si ay u qashaan Maalinta Ciidda.

Golaha Imaamyada Kenya, oo uu horkacayo hoggaamiyaha masjidka Landhis, Sheekh Axmed Athman, ayaa ka guddoomay ariga Madaxweyne kuxigeenka Kenya, William Sameoi Ruto.

William Ruto, ayaa u rajeeyey Muslimiinta iney si nabad gelyo ah uggu dabaal dagaan Ciiddooda ee Al-Adhxaa.

Maalinta bari ayaa lagu wadaa iney noqoto Maalinta Ciiddul Adhxaa, iyadoo dhammaan Muslimiinta dunida ay qaban doonaan dabaal degyo

\Office Nairobi Kenya