Manchester United oo sheegtay in dhakhaatiirta daweyn doonaan dhaawaca garabka ciyaaryahanka Marcus Rashford

Isniin: July 19, 2021

Maamulaha kooxda Manchester United, Ole Gunner Solskjaer, ayaa sheegay iney tahay wax aan la garan karin iney dhakhaatiirta daweyn doonaan dhaawaca garabka ciyaaryahanka Marcus Rashford daba yaaqada bishan.

Toddobaadkii hore Rashford ayaa booqdey xarun caafimaad dhakhtar joogga, kaasoo uu kula taliyey garabkiisa in lagu sameeyo qalliin, si loogga yareeyo xannuunka, taasoo uu ka cabanayey bilooyin dhawr ah.

Ha yeeshee maamulaha kooxda Manchester United, Solskjaer iyo hawl wadeenadiisa kale, ayaa sheegay inaanu mudneyn ciyaar yahankan in la eryo.

Isagoo hadlayey markii kooxda Manchester U ay ku adkaatey 2-1 ciyaar saaxiibtinimo Solskjaer, ayaa sheegay inaanan wali la gaarin wax heshiis ah.

Wuxuu intaa ku darey maamulaha in go’aanka la gaarayo mustaqbalka inuu sii joogayo iyo in kale, iyadoo la weeydiin doono khuburo si ay u qiimeeyaan inta uu la eg yahaybaaxadda dhaawaca.

Kooxda Manchester United, ayaa gashey kaalinta labaad horyaalka Ingiriiska, iyadoo gaartey ciyaarihii koobka Yurub kama danbeysta, iyadoo kooxda Villareal ay qaaddey koobka.

Office Nairobi Kenya