Sheekh Shariif iyo Xasan Sheekh oo gaaray magaallo xeebeedka Warsheekh

Khamiis: july 22 2021

Wararka ka imaanaya Gobolka Sh.dhexe ayaa sheegaya in goor dhawayd  halkaas ay gaareen Madaxweynayaashii hore ee dalka, Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Sheekh Maxamuud gaar ahaan magaalada  xeebeedka Warsheekh ee gobolka Shabeelaha Dhexe.

Wararka ayaa sheegaya in Sheekh Shariif iyo Xasan Sheekh ay safar dhulka ah ku gaareen  halkaas, waxaana si diiran ugu soo dhaweeyay halkaas dadka deegaanka.

Warar hor dhac ah ayaa sheegaya in madaxweynayaashii hore ee dalka ay usii gudbi doonaan dhinaca degmada Cadale oo uu haatan ku sugan yahay madaxweyne Cali Guudlaawe.

Sidoo kale Ujeedka safarkooda ayaa waxa uu la xiriira u kuur-galida xaaladaha ka jira deegaanka, iyaga sidoo kale kulamo la qaadan doono waxgradka ku dhaqan degmooyinkaasi.

Office Nairobi Kenya