Pentagon oo xaqiijiyay in duqaymo ka dhan ah Alshabaab oo ka geesteen Galmudug shalay.

Sabti: July 24 2021

Waaxda gaanshaandhiga Maraykanka ee Pentagon ayaa xaqiijisay in duqaymo ka dhan ah Alshabaab ay Jimcihii ka fulisay Soomaalia – hawgalka oo ka dhacay dowlad goboleedka Galmudug ayaa ahaa kii labaad ee toddobaad gudihiis lagu bartilmaameedsanayo kooxaha Jihaad doonka ah.

Duqaymahaas ayaa ah kuwii ugu horreeyey ee Soomaaliya ka dhaca tan iyo markii uu maamulka la wareegay madaxweyne Biden waxayna arrintaasi wax xoogaa buuq ah ka dhalisay Washington.

Khamiistii, seddex senetar oo ka tirsan xisbiga Dimuqraadiga ayaa ku dhaleeceeyay maamulka Biden in uu ku guuldareystay inuu raadsado ogolaansho duqeyntii ugu horeysay ee diyaaradaha aan duuliyaha laheyn, waxayna sheegeen in loo baahan yahay isla xisaabtan ku aaddan ammaanka qaranka.

Office Bairobi Kenya