Taliyaasha Booliska Dowladda Dhexe iyo Maamulka puntiland oo Garoowe Wada hadal uga socda

unnamed-112-620x264

Muqdisho, 10 October 2015 – Wadahadallo lagu soo nooleynayo awooddii Booliska Soomaaliya,  ayaa waxa uu Magaalada Garoowe uga socdaa Wafdi uu hoggaaminayo Taliyaha Booliska Soomaaliya iyo Saraakiisha Booliska Maamulka Puntland.

Taliyaha Ciidamada Booliska Dowladda Federaalka  Jeneraal Maxamed Sheekh Xasan Xaamuud ayaa sheegay in Puntland ay ka wada hadlayaan sida ay Noqoneyso shaqadda Booliska maadaama uu dalka uu u guurayo Nidaamka Federaalka.

Dhanka kale Taliye Xaamud ayaa sheegay in Booliska uu yahay Hay’ad ahmiyad u leh dalka, sidaasi awgeedna loo baahan yahay in la iska kaashado amniga si loo Soo celiyo doorkii Booliska uu ku lahaa dalka.

Toddobaadyo ka hor ayey ahayd markii Saraakiisha Booliska Dowladda dhexe iyo kuwa Maamul gobolleedyada ay kulan wadatashi ah ku yeesheen Magaalada Muqdisho, kaasi oo wax la isaga weydiinayay xaaladda uu ku sugan yahay Booliska iyo sida ay u wada shaqeyn karaan.

———————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *