Ku simaha Madaxweynaha oo la kulmay Safiirka Mareykanka u fadhiya Soomaaliya

Muqdisho, April 22, 2016Ku simaha Madaxweynaha dalka ahna Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan “Jawaari” ayaa maanta magaalada Muqdisho kulan kula qaatay Safiirka Dowladda Mareykanka u qaabilsan Soomaaliya.

Guddoomiye Jawaari kulanka waxaa ku wehliayey Xoghayaha guud ee Baarlamaanka Mudane C/kariin Xaaji Cabdi (Buux) waxaana looga wada hadlay xiligan howlaha hor yaala Baarlamaanka iyo taageerrada ay u baahan yahay.

Ku simaha Madaxweynaha Dalka ahna Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan “Jawaari” oo kulanka ka hadlay ayaa uga mahad celiyey dowladda Mareykanka taageerrada ay la garab taagan tahay dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed oo dhan.

——————————

Qaranimo Online | Muqdisho

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *