Brack Obama walaalkiis oo sheegay inuu taageeri doono Donald Trump.
Toronto | QOL | 25 July 2016 Madaxweynaha Maraykanka Barack Obama -walaalkiis ay isku aabaha yihiin Mr Malik ayaa sheegay inuu taageerayo doorashada musharraxa xisbiga Jamhuuriga ee Donald Trump isago ku amaanay inuu trump yahay nin aad u wanaagsan.
Mr Trump oo aad ula dhacay taageeraha ayaa markiiba bogiisa Twitter soo dhigay fariin qoraal ah isago farxad muujiniya Madaxweyne Obama walaalkiis Mr Malik aniga ayuu ii codayn doonaa .

Mr Malik ayaa ku tilmaamay Mr Trump hoggaamiye aragti dheer kaasoo wax ka beddeli doona dhaqaalaha Maraykanka.
“Donald trump waa qof aad u qiimo badan , islamarkaana arrimaha si toos ah u wajaha ma aha qof isdaba mariya erayadiisa’ madaama aan ahay taageere xisbiga Jamhuuriga waxaan taageerayaa una codeen doona Donald Trump murashaxnimadiisa,” ayuu yiri Mr Malik wareysi telefoon kula hadlaya wageeska Nation.
Qaranimo Online
_________________
