Maamulka Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe oo magac cusub loo bixiyay

Jowhar | October 4, 2016 –  Iyadoo maalmahaan danbe magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeellaha Dhexe uu ka socday shirweyne looga arinsanaayo dhismaha maamulka Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe ayaa waxaa ergada maamul usameynta labada gobol ay caawa isku raaceen in magaca cusub ee labada maamul uu noqdo HIRSHABEELLE.

Ergada ayaa sidoo kale la sheegay in ay haatan ku howlan yihiin wax ka badalka Qabya Qoraalka Dastuurka iyo dhameestiirkiisu qodobada muhiimka ah ee la xiriiro ku dhawaaqista caasimada cusub ee dowlad goboleedka Hiiraan Iyo Shabeellaha Dhexe, astaanta iyo calanka maamulkaas lagu wado in uu yeesho.

.

.

.

Xigasho: SONNA

________________________

 

Author: QOL Editor
Is the Editor-in-Chief who oversees the functionality and evaluates website performance, checks the publications and reviewing the content, such as articles, photographs, development strategies and style guidelines.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *