Muungaab oo kahadlay xuquuqdii Aqalka sare uu lahaa Gobolka Banaadir

Muqdisho | December 17, 2016 – Wasiiru-Dowlaha Cadaaladda Xukuumadda Somalia Jen. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), horayna u soo noqday Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahaanaa duqii Muqdisho uu waday qorshe maamul la soo dooratay u yeelan lahaa Gobolka Banaadir,balse fursad loo siin taasi.

Jen. Muungaab ayaa hadalkan ka sheegay munaasabad lagu soo dhoweynayay Drs. Mina Xasan Shibis oo dhowaan ku guuleysatay Kursiga Beesha Galmaax Celi.

Mar uu ka hadlayay xuquuqdii Aqalka sare uu lahaa Gobolka Banaadir ayuu sheegay in Madax ay sabab u aheyd, isagoo ku baaqay in Madaxdaas oo hada musharax ah lagu ciqaabo sanaadiiqda codeynta.

Madax ayaa naf ka dayday oo runtii mooday inay hadeertaan xuquuqdii Banaadir oo la gafsiiyo wax lagu helo, laakiin waxaan u malaynaa kuwaas in lagu ciqaabi doono sanaadiiqda codaynta”ayuu yiri Muungaab oo hadalkiisa u muuqday mid uu ku durayay Madaxweyne Xasan Sheekh.

Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir Generaal Muungaab ayaa ugu baaqay Drs. Mina Xasan Shibis iney ka shaqeyso sidii maamul loogu sameyn lahaa loogu sameyn lahaa Gobolka Banaadir.

.

.

Xigasho: Horumar Online

__________________________

 

Author: QOL Editor
Is the Editor-in-Chief who oversees the functionality and evaluates website performance, checks the publications and reviewing the content, such as articles, photographs, development strategies and style guidelines.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *