Dacwad ay maxkamada caalamiga ah u gudbiyeen qaar kamid ah Xildhibaanadii hore ee laga guuleystay

Muqdisho | December 20, 2016 – Kulan magaalada Muqdisho ay ku yeesheen xildhibaano hore iyo musharixiin looga guuleystay doorashadii dhawaan ku soo dhamaatay gobolada dalka, ayaa siweyn uga soo horjeestay habkii loo maamulay doorashada. Xildhibaanada iyo musharixiinta shirka yeeshay ayaa sheegay in guddiyadda doorashooyinka oo idil ay ku kaceen wax ceeb ah howlahii loo idmadayna ay lacag laaluush ah ku iibsadeen, sida ay sheegeen.

https://www.youtube.com/watch?v=p87GcHscjDc

Gaar ahaan waxaa ay sheegeen in ay gudbinayaan dacwad ka dhan ah guddiga xalinta Khilaafaadka taas oo ay la tiigsan doonaan maxkamadda dambiyadda adduunka iyo tan gudaha. “ Doorasho ma aysan dhicin waxa dhacayna waxay ahaayeen wax qaldan oo la soo dhoodhoobay , islamarkaasna lagu banaystay xuquuqdii shacabku lahaayeen “.ayuu yiri xildhibaan Max’ed Max’uud kulalihi.
Abukaate Cabdiraxmaan Xoosh Jabriil oo horay uga mid ahaa xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya, laakiin looga guuleystay doorashadii ka dhacday Puntland, ayaa sheegay in dalka aysan ka dhicin wax doorasho lagu tilmaami karo, isaga oo intaa ku daray in arintan aan marnaba laga aamusi Karin. Ugu danbeyntii, guddiga doorashooyinka iyo kan xalinta khilaafaadka ayaa eedahan wax war ah ka soo saarin waxaana marka laga soo tago xildhibaannadan jirtay cabshooyin lamid ah ay ka imaanayeen shaqsiyaad tartamay oo sheegayay in musuq maasuqay iyo wax is daba marin lagu sameeyay.
.
.
.
_______________________
Author: QOL Editor
Is the Editor-in-Chief who oversees the functionality and evaluates website performance, checks the publications and reviewing the content, such as articles, photographs, development strategies and style guidelines.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *