Taliye-Xigeenkii Madaxtooyada oo La Dilay

Muqdisho | December 31, 2016 | VOA – Taliye xigeenkii madaxtooyada Soomaaliya Gaashaanle Sare Cabdiraxmaan Cabdulle Qoorgaab ayaa lagu dilay gudaha xarunta madaxtooyada Soomaaliyaa.

Sarkaalka waxaa dilay askari ka mid ahaa kuwa ilaalada madaxtooyada Villa Soomaaliya oo markii uu toogashada gaystay meesha ka baxsaday.

Dawladda Soomaaliya ayaa sheegtay inay baadhayso dilkaasi iy sida uu askariga wax dilay u baxasaday.

Sida ay noo sheegeen dad goobjoogayaal ah toogasho ayaa ka dhacday madaxtooyada Soomaaliya ee Villa Somalia, halkaasi oo la sheegay in lagu bartilmaameedsaday sarkaalkaasi mid kalena lagu dhaawacay.

Sarkaal ka tirsan madaxtooyada ayaa VOA u sheegay in askariga dilka gaystay loo sheegay inuu qoriga dhigo kadibna uu xabsiga tago balse uu ka dhego-adaygay kadibna uu rasaas ku furay sarkaalka.

.

.

.

_____________________________

Author: QOL Editor
Is the Editor-in-Chief who oversees the functionality and evaluates website performance, checks the publications and reviewing the content, such as articles, photographs, development strategies and style guidelines.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *