Xarun dhaxe oo ay leedahay HS&J ayaa laga furay Baydhabo

Baydhabo | Maarso 7, 2017 – Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Maxamed Adan Jimcaale (Koofi) ayaa manta xariga ka jaray Xarun dhexe oo ay Hay’addu ka furtay magaalada Baydhabo Xarunta KMG ah ee Maamulka Koofur Galbeed waxaana xaruntan laga maamuli doonaa dhamaan xarumaha ay Hay’addu ku leedahay Deegaanada Maamulka Koofur Galbeed.

Xaflada Furitaanka ayaa waxaa ka soo qeyb galay Wasiiro Xidhibaano iyo maamulka Gobolka Baay waxaana ay dhamaan si isku mid ah u balan qadeen in ay si buuxda ula shaqeyn doonaan Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda dhamaan xarumaha ay ku leedahaya Koofur Galbeed.

G/sare Koofi ayaa dhankiisa Xaflada ka sheegay in ay dhawaan  deegnada uu ka arimiyo maamulka Koofur Galbeed ka furi doonaan xarumo kale oo ay Hay’addu leedahay ayna ugo soo horeeyaan xarumo laga hirgaliyo Magaalooyinka Ceel Barde iy Xudur.

HSJ-baydhabo-5 HSJ-baydhabo-4 HSJ-baydhabo-3 HSJ-baydhabo-2 HSJ-baydhabo-1

.

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________

 

Author: Ali
. Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho, Soomaaliya __________________________________________

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *