Golaha wasiirada RW Khayre oo la dhaariyay

Muqdisho | Maarso 29, 2017 – Iyadoo manta ay aheeyd maalintii la horgeeyay golaha wasiirada ee uu soo dhisay mudane Ra’isul wasaare Xasan Cali Khayre ayaa isla manta la’ansixiyay lana dhaariyay dhamaan inti ka joogtahay golaha wasiirada cusub ee xukuumada RW Khayre.

Waxaa si buuxdo loogu dhaariyay inay howshooda guda galaan inta badan goliha wasiirada ee manta la’ansixiyay.

Wasiirada helay Codka Kalsoonida waxaa dhaariyay Gudoomiyaha Maxakmada sare ee dalka Abuukaate Ibraahim Iidle Saleebaan, waxa ayna wasiirada ku dhaarteen in dalkooda dadkooda iyo diintooda ay si daacad ah wax ugu qaban doonaan.

Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya iyo golihiisa Wasiirada ee helay codka kalsoonida Baarlamaanka ayaa la filayaa in dhawaan la yimaadaan waxqabad muuqda, waxaana Wasiiradan soo dhaweyay kuna farxay shacabka Soomaaliyeed in ay heleen Codka kalsoonida.

Golaha Wasiirada cusub ee Xukuumada Soomaaliya ayaa la filayaa in dhawaan si rasmi ah xilalkooda ula wareegaan, waxaana Golaha Wasiirada cusub looga fadhiyaa in ay la yimaadaan waxqabad muuqda .

wasiirada-cusub2 wasiirada-cusub1 wasiirada-cusub

.

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________

 

Author: Muse Hassan
Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho __________________________________________________

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *