Faah fahino dheerad ah oo laga bixiyay qarxii maanta ka dhacay Warshadda Nacnaca

Muqdisho | QOL | April 10, 2017 – 5 Askari ayaa ku dhimatay 10 Kalena waa ay ku dhaawacmeen Qaraxii Ismiidaaminta ahaa ee ka dhacay Warshaddii hore ee Nacnaca Degmada Wadajir.

Saraakiil ayaa la sheegay in ay ku jireen dadka Qaraxaasi ku dhaawacmay.

Qaraxa ayaa Waxaa uu Fuliyay Ruux soo xirtay Dharka ciidamada dowladda Soomaaliya.
Qaraxa ayaa ahaa mid xooggan , waxaana la sheegay in ruuxa Qaraxa fuliyay uu gudaha u soo galay Xerada Ciidamada ka dibna uu is qarxiyay.

Warshadii hore ee Nacnaca ayaa waxaa ku taalla Xero Ciidamada dowladda Soomaaliya ay ku tababartaan.

Ciidamada ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya ayaa isku gadaamay goobta uu Qaraxu ka dhacay waxaana ay xireen dhammaan Wadooyinka soo gala Xerada.
iyadoona
Al-Shabaab ayaa sheegtay Mas’uuliyadda Qaraxaasi.

SAWIR QAADE :-NUURADIIN MAXAMAD AXAMAD

2

3

1

.

W/Q:-BASHIIR BARRE ALI  | Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________

 

Xafiiska wararka Qaranimo Online | Muqdisho ___________________________________________________

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *