DHAGASO:-Ciidamad Maamulka Galmudug Oo Soo furatay Bad Maaxayaal Afduub Ay Ku haysteen Koox Burcada Badeed soomaali ah

Muqdisho | April 12, 2017 –Ciidamada Nabad Suggida Galmudug ayaa Saaka Markale xoog kusoo furtay 8 badmaax oo u dhashay dalka India ka dib howlgal xooggan oo ay ka fuliyeen degaano hoos yimaada degmada Hobyo ee gobolka Mudug.

Gudoomiyaha degmada Hobyo Cabdulaahi Axmed Cali Faat oo la hadlay Wakaalada (QOL) ayaa sheegay in Ciidamada ay xoog kusoo furteen Ajaanibtaasi oo ay haysteen Kooxaha Burcadbadeeda Soomaalida.

Howlgalka ayaa dhacay Saakay Aroortii , waxaana Ciidamada Ammaanka sidoo kale ay soo qabteen 4 ka mid ah Burcaddii haysatay Ajaanibta.
Ciidamada Galmudug ayaa horay usoo furtay dooni Ganacsi iyo sidoo kale Ajaanib ay haysteen Burcadbadeeda.

HALKAN KA DHAGAYSO

 

W/Q:-BASHIIR BARRE ALI

Xafiiska wararka Qaranimo Online | Muqdisho ___________________________________________________

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *